Hilaal Xirsi Jaamac, oo Xalay La Dilay+Sawirro

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay dalka koonfur afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaas.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hilaal Xirsi Jaamace,wuxuuna sanado badan ku noolaa dalkaas.

Hilaal, ayaa sida ay Goobjoogayaasha inoo xaqiijiyeen waxaa rasaas ku furay tuugo gangiistaro midab ah, taasi oo ka haleeshay madaxa isla goobta ayeyna nafta kaga baxday walaalkeen.

Wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada ugu caansan islamarkaana u dhaqdhaqaada arrimaha Soomaalida ku nool Magaalada Cape Town.

Waa dilkii labaad ee bishaan gudaheeda ka dhaca dalkaas, waxaana dhawaan lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir,waxaana dilkiisa fuliyay Soomaali kale,kadib khilaaf u dhaxeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.