Haweeney Xaamilo ah oo Lagu Kufsaday Gabalka Galgaduud

Wararka aynu ka helayno degmada Balan-balle ee Gabalka Galgaduud ayaa  ku warramaya in Haweenay Xaamilo lagu Kufsaday deegaanka Baake oo ka tirsan degmada Balan-balle.

Ciidanka ammaanka degmada Balan-balle ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninkii falka kufsiga ah kula kacay Haweenayda Xaamilada ah, waxaa la sheegay in ay kufsigaani uu ka dhacay degaanka Baake oo hoostaga degmada Balan-balle.

Waxaa la sheegayaa in ciidanka ammaanka ay xabsiga dhigeen Ninkii Kufsiga geystay, laguna hayo xabsigaas, iyadoo sida lasheegay la marin doono cadaaladda, maxkamadna lasoo taagi doono.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan degmada Balan-balle lagu kufsaday gabar ka miud ah dadka degaanka, iyadoo xciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen  Todobo dhallinyaro ah oo lasheegay in ay kufsadeen gabadhaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.