Gudoomiyihii Arrimaha Bulshadda Sh Hoose oo Hoygiisa Lagu Dilay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Bambo Gacmeed caawa Lagu weeraray hoyga Gudoomiyihii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey).

Ragg hubeysnaa ayaa la sheegay in ay Bambo ku weerareen Hoyga Gudoomiyaha,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Madaxii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray,waxaana loo soo qaaday Magaaladda Muqdisho wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Sidoo Kale waxaa weerarka dhaawacyo ay kasoo gaareen Labo Ruux oo la joogay Gudoomiyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.