Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Gaartay Dhuusa-mareeb

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey), ayaa maanta gaartay magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Safarkaan oo ah mid aan la qorshaynin ayaa yimid xili madaxweynayaasha Maamul Goboleedydda ay ku shireen Magaaladda Dhuusa-mareeb,islamarkaana uu magaaladaas gaaray Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Markii ay ka dagtay Garoonka Dhuusamareeb waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Magaaladaasi ku sugan.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa ay ku eedeeyeen inay dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo la dooneyso muddo kordhin,kadib markii ay dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.