spot_img

Gudoomiyaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinka oo La Dooranayo

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku dooranaya Gudoomiyaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinka iyo Ku-xigeenkiisa.

Sida ku cad warqad ay soo saareen khamiistii Guddiga qaban-qaabadda doorashadda, Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa lagu dooranayaa maanta oo sabti ah xarunta Afisiyooni ee Magaaladda muqdisho.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Safiina ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay in doorashadda ay dhici doonto 15-1-2022-ka,islamarkaana ay kasoo qeyb gali doonaan Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, xubnaha beesha caalamka, iyo Ururada bulshadda rayidka.

Arintaan ayaa timid kadib markii dhawaan xilka laga qaaday gudoomiyihii Hore ee Guddiga doorashooyinka Maxamed xasan Ciro,kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq, in u la shaqeeyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Related Post

Wararka