spot_img

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Ku wajahan Magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Jubbaland.
Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Jubaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubalanad oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.
Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas.
Guddiga Ayaa waxa la filayaa in marka uu gaaro Magaalada Kismaayo uu u kuurgalo xaalada doorashada aqalka sare oo ka dhacay halkaasi ,waxaana la filayaa in guddigu uu qabto xubnaha cabashada xubnaha tabashada ka qaba doorashada dalka oo ka bilaabanaysa magaalada kismaayo
Xubnaha Qaar ee musharaxiinta wali maga soo magcaabin taasina waxa muujinaysaa in khilaafad uu ka jiro ka dhan kuraasta iyo dadka utartamaya guddi ayay shaqadiisu tahay in uu go,aamo ka qaaro qaraarada laisku mari waayo ee ariamaha doorashooyinka ka soo baxa.

Related Post

Wararka