spot_img

Golaha Wadatashiga Qaran Oo Shir Ka Yeeshay Arimaha Doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga xalay ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

Inta shirka uu socday ayaa waxa laisku soo qaaday arimaha jira ee caqabada ku ah doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa

Sidookale shirka ayaa waxa looga dooday arimaha doorashada aqalka sare oo waqtigii loogu talagalay uu dhamaaday islamarkaasna aan wali lasoo gabagabeyn iyadoo lais la gartay in la dadajiyo  oo sida ugu dhaqsihaya badan lagu soo dhameytiro doorashada aqalka sare

Shirkaan ay yeesheen Madaxda golaha watashiga ayaa waxa uu imaanayaa xili maalin ka hor uu baaqday shir ay iskugu imaanayeen magaalada garoowe Madaxda maamul goboleedyada dalka kaasi oo loo balansanaa in looga hadlo arimaha doorashinka dalka iyo xasradaha siyaasadeed ee jira

Sidookale wali jira oo aan xalin khliaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha dalka oo xalintooda ay ku jireen xubnaha golaha wadatashiga

Related Post

Wararka