Golaha Amaanka QM oo Waqtiga u Kordhiyay Xafiiska UNSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar lagu cusboonaysiinayo muddada uu xafiiska QM u qaabilsan Somalia ee UNSOM ka howlgalayo gudaha dalka Somalia.

Qaraarkan kasoo baxay golaha ammaanka ee QM ayaa howlgalka xafiiska QM ee UNSOM ku kordhiyey muddo sanad ah waxa uuna gaarsiiyey ilaa March 31, 2020.

Sida ku xusan qodobka 2461, UNSOM waxay sii wadi doontaa inay taageero iyo talooyin istiraatiijiyadeed ka siiso xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) dhismaha nabadda iyo dowladnimada.

Goalaha ammaanku waxa uu UNSOM ka codsaday in ay sii wanaajiso oo ay xoojiso joogitaankeeda dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federal-ka Somalia.

Goluhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay taageerada siyaasadeed iyo midda farsamo ee UNSOM ay siiso xukuumadda Somalia iyo in ay ka taageereyso inay Somalia ka dhacdo doorasho cadaalad ah marka la gaaro cod bixinta doorashada 2020/2021.

Goluhu Waxa uu ku booriyay xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah in ay dejiyaan qorshe dib loogu habeynayo amniga si loo helo nabad gelyo Qaran.

Golaha ammaanka ee QM ayaa Qaraarkan ku cambaareeyay rabshadaha ka socdo Somalia iyo xadgudubyada ka dhanka ah carruurta sida askareynta, kufsashada, iyo afduubka, waxaana uu sigaar ah u cambaareeyey goluhu weerarada ay Al Shabab ka fuliso gudaha Somalia.

Xafiiska QM u qaabilsan Somalia ee UNSOM waxaa la aasaasay 3-dii bishii juun sanadkii 2013 si loo soo mariyo taageerada Qaramada Midoobey ay ku bixiso dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.