Galmudug oo Hanjabaad u Dirtay Maleeshiyaad Dagaal Hurinaya+Dhageyso

Maamulka Galmudug ayaa sheegey in ay tilaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo ku howlan in ay dib usoo cusbooneysiiyo colaadihi ka taagnaa Gobolka Mudug  ee  u dhaxeeyey Maamulada Puntlan iyo Galmudug.

Maleeshiyaadkan ayaa lagu eedeynaya in ay doonayaa in ay Dib uhuriyaan colaadaha Beelala  walaalaha ahaa ee ku wada dega  qeybo ka mid ah deeganada Gobolka Mudug kuwaas oo horey uu u dhexmarey heshiis ku aaadan in aysan dib usoo laaban wixi horey udhacay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay gacan adeg ku qaban doonaan cid walbo oo ku howlan in qalalaaso iyo colaad ay  ka dhex abuurto Maamulada Puntland iyo Galmudug deeganada ay dariska ka yihiin sidoo kalana ay labada Maamul Go’aan wada jira ka qaadanayaan Kooxaha  Maleeshiyadka ah ee dilalka iyo  Dhibaatoyinka  ka geysanya sidii  hal meel looga soo jeedsan lahaa.

Waxa uuna sheegey in ay Bartilmaameedsan doonan cid walbo oo ay u arkaan in ay tahay kuwo kasoo horjeedo xasilaanida Gobolka Asaga oo na tilmaamay Haddii ay dhici jirtay in labada Maamulka Dhexdooda Maleeshiyad wax dila ay ku dhuumaaleysan jireen aysan hada ka dib dhici doonin.

Maamulada  Galmudug iyo Puntland ayaa ku howlan in ay xoojiyaan nabada Gobolka Mudug kadib markii heshis la dhex dhigay beelihi ku dagaalami jirey Galbeedka Gobolka Mudug  sidoo kalana  Mamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ka shaqeynayan sidii ay u hirgali lahaayeen Nabadka iyo Heshiiska Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.