Farmaajo oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliye Ku-xigeenkii Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah.

Tallaabada xilka looga xayuubiyay General Maxamed Cali Bariise ayaa waxay ku soo aadaysaa, maalin ka dib weeraradii uu dhiigga badani ku daatay ee Shabaabku ka gaysteen Gobolka Shabellaha Hoose.

General Bariise ayaa xilkan loo magacaabay 10-kii bishii October ee sanadkii 2019, ka dib digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.