Fal Naxdin Leh;-Aabe Wiilkiisa Ku Gowracay Magaaladda Jowhar

Wararka ka imaanaya magaaladda Jowhar ee caasimadda maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Aabe uu wiilkiisa caawa ku gowracay Magaaladdaas.

Falkaan ayaa ka dhacay laanta Faanoole ee xaafada Horseed Magaaladda Jowhar.

Wiilka la gowracay ayaa lagu magacaabi jirey Ibraahim Cismaan oo ahaa 14 sano jir ahaa.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in aabaha uu ahaa nin ku xamaasha xooggiisa,wuxuuna ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay.

Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa arintaan oo aabaha uu geystay,

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.