Fal Naxdin Leh:-“Aabe iyo 4-kamid ahaa Caruurtiisa oo Walanweyn Lagu Gowracay”,!

Wararka ka imaanaya Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu Gowracay galabta Aabe iyo 4-kamid ah Caruurtiisa.

Dadka deegaanka Walanweyn ayaa sheegay in falkaan ay ka dambeeyeen garab kamid ah Maleeshiyaadka ku dagaalamaya gudaha Degmadaas.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in Deegaanka Yaaqbiriweyne oo qiyaas dhan 10-KM u jirta Degmada Wanlaweyn in saakay lagu gowracay 8-wiil oo dhalinyaro ahaa ,kuwaas oo xalay laga Afduubtay degmada Wanlaweyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Walanweyn ayaa ku waramaya in halkaas uu haatan ka socdo barakac xoogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.