spot_img

Fahad Yaasiin Oo Kulan La Yeeshay Saraakiisha Ciidanka Dalka

Faahfaahino dheeri ah ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay ay yeesheen saraakiil ka tirsan sare oo ka tirsan ciidanka xooga dalka iyo la taliyaha cusub ee dhimaca amniga madaxweynaha qaranka

Kulankaan ayaa waxa ay warar ku sheegayaan in uu ahaa mid casho sharaf ah oo uu sameeyay taliyihii hore Ha,ada Nisa Fahad yaasiin xaaji daahir

Taliye fahad ayaa xilikiisa ku waayay kiiska ikraan tahaliil iyadoona hada loomagacaabay lataliyaha madaxweynaha ee dhinaca amniga qaranka

Kulanka saraakiisha ciidan ee ka qeyb gashay waxa ka mid ahaa taliyaha ciidanka booliska  cabdi xasan maxamed xijaar taliyaha guud ee qeybta boolis farxaan Qaroole iyo saraakiil kale

Waxaana su,aal weyn laiska weydiinayaan wax uu fahad yaasiin ka damacsanyahay isu keenida iyo la shirida saraakiisha ciidanka xooga dalka

balse warar ayaa sheegaya in kulanka ujeedkiisu ahaa in laga wada hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo in lakala war qaato

waxaana la tilmamaay in kulanku uu kusoo dhamaaday is afgarad ku saabsan adkeyn amniga guud ee dalka oo haatan si aad ah loogu muransayahay kadib markii Raiisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka uu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo sababay in isbadal lagu sameeyo masuuliyiinta dhinaca amniga oo qaarkood xilka laga qaaday ilaa iyo haatan uu muran ka taaganayahay

Related Post

Wararka