Faah-Faahino:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayay Ciidamadda amaanka ka shakiyeen wuxuuna damcay in uu baxsado,balse intii la eryanayay ayuu is qarxiyay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.