Faah-Faahinno Dheeraad ah oo Laga Helay Qarax Lagu Weeraray Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka

Ilaalada Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Toogtay qof Naftii hure  ah oo isku dayay in uu isku dhex qarxiyo Kolonyada ilaalada Taliyaha.

Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay, xilli ay marayeen meel u dhaw Cisbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo aan la hadalnay qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa isaga balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.