Faah-faahin:-Wiil Dhalinyaro ahaa oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir,

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa rasaas huwiyay wiil dhalinyaro ahaa oo ay doonayeen in ay ka dhacaan mobil uu watay.

Waxaa la sheegay in wiilka iyo ragga hubeysnaa ay murmeen dilka kahor,ugu dambeyntiina ay xabado ku fureen.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdikaafi Aweys Maxamed,wuxuuna kamid ahaa Ardeyda jaamacadda banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.