Faah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhaweyd ka Dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Barxada Iskaashatooyinka Degmadda Xamar weyne ee Gobolka banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ahaa Nooca Dhajista,waxaana gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.

Sargaalka gaariga watay ayaa warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa uu ku geeriyooday, waxaana Magaciisa lagu sheegay Jaabir, sidoo kale wali lama ogaan in dad kale waxyeelo kasoo gaartay qaraxan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.