Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan oo gaari ku xirnaa ayaa ka dhex dhacay Gudaha Xaruna Villa Baydhabo oo haatan ay dagan yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo xiligaas gaarigiisa ku jirey gudaha Xaruna Villa Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,mana jiro khasaare kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.