Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Gudaha Degmadaas uu ka dhacay qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan oo ahaa Miino ayaa la dhigay goob ay fadhiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa kuwa Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay Ilaa 2 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ayaa ku dhintay qaraxa.

Sarkaal sare oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max’med Gureey ayuu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa Degmadda Diinsoor ka dhacay waxaana loola cararay isbitaal ku yaala magaaladda Baydhabo ee gobolka Baay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.