Faah-faahin:-Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Garasbaaley oo Qarax Lagu Dilay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Deegaanka Garas-baaley ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Ex.control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay gaari uu la socday Cali Macallim oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka deegaanka Garasbaaleey iyo sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Cabdi Rashiid Dubad kaasi oo ahaa Gudoomiyaha Dhalinyaradda Deegaanka Garas-baaley.

Sida la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka deegaanka Garasbaaleey iyo sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Cabdi Rashiid Dubad kaasi oo ahaa Gudoomiyaha Dhalinyaradda Deegaanka Garas-baaley.

Qaraxyada miino ayaa ku soo badanayay muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, waxaana lala eegtaa gaadiidka mas’uuliyiinta iyo ciidamada la socdaan.