Faah-faahin:-Dilal Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilalka ay geysteen kooxo qoryo ku  hubeysan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan iyo Deyniile ee Magaaladda Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya aya xaafada Siigaale ee Degmadda Hodan waxa uu ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin.

Sidoo kale waxaa xalay wiil kale oo dhalinyaro ahaa kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyagoona kadib goobta isaga baxsaday.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirey Jabriil Cabdi Aadan, ayaa la sheegay in raga hubeysnaa ay doonayeen in ay ka dhacaan Mobil uu watay.