Faah-faahin:-Askari Magaaladda Jowhar Ku Dilay Wiil Dhalinyaro ahaa

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle,ayaa ku waramaya in askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya uu magaaladaas ku dilay nin dhalinyaro ahaa.

Falka dilka ah ayaa xalay ka dhacay agagaarka Buundada Magaalada Jowhar.

Wiilka dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jirey  Cismaan Raage.

Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu falku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka ninkaasi kadib markii ay dadka deegaanka ku soo wargeliyeen dilkiisa.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamadda Booliska ayaan ka hadlin dilka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar,waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.