Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay oo CoronaVirus ugu Geeriyooday Landan

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa cudurka CoranaVirus ugu geeriyooday Magaalada Landan ee dalka Ingiriiska.

Muwaadinkaan oo maciisa lagu magacaabo Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa maalmihii lasoo dhaafay la jiifay xanuunka, waxaana ugu danbeyntii uu u geeriyooday caabuqa halista ah ee Covid19 oo ah caabuq dunida si weyn ugu sii faafaya.

Ehelada iyo qaraabada marxuumka geeriyooday ayaa  xaqiijiyay geeridiisa, waxaana xusid mudan in muwaadiniin badan oo Soomaali ah ah caabuqaan ugu geeriyoodeen dadal ka qaaradda Yurub, dalka ingiriiskuna waxaa uu ka mid yahay waddamada ay soomaalida ba’an ugu geeriyoonayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.