Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Maalinta Bari Aysan Aheyn Ciid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta bari oo sabti ah tahay maalinta 30-aad ee Bisha Ramadaan,islamarkaana maalinta ciida ay tahay maalinta Axad 24-ka May.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in la dhameysanayo 30-ka Bisha Ramaadan, sidaas dateed aysan berri oo Sabti ahayn Ciid.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid, sidaas darteed waxaa la dhamaystirayaa Bisha Ramadaan” ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale dalal kale badan oo muslim ah oo ka mid yahay Sucuudiga, Turkiga iyo Qadar ayaa shaaciyay in berri oo Sabti ah la dhameystirayo 30-ka Bisha Ramadan, Ciiduna ay tahay maalinta Axadda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.