Dowladda Soomaaliya oo Ka Tacsiyeysay Geerida Daa’uud Cali Masxaf

Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya waxaa galabta ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay dalka Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar(Oranjo)  oo ku hadlayay Magaca Dowladda ayaa sidaan yiri.

“Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Allaha u naxariisto waxaa hadda isoo gaartay geerida Fanaanka Caanka ah Daa”uud Cali Masxaf oo muddooyinkaan ku noolaa magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya”. ayuu yir Ismaaciil Oranjo.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed ka tacsiyadeyeey geerida Alfanaan Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsana aiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.