Dowladda Soomaaliya oo Hub Fara Badan Iyo Ciidan Geysay Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Hub iyo Ciidan fara badan geysay Magaallo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Xeebta Magaaladda Hobyo waxaa xalay gaartay Dooni hub ka qaaday Dekadda magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xalay mashquul badan laga dareemayay Dekadda Dekadda Hobyo,islamarkaana ciidamo badan ay ku sugnaayeen.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Guutadda 21-aad ee Dowladda Soomaaliya ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in hubka laga dajiyay Degmadda Hobyo loogu talagalay dagaalka Shabaab,ayna muddo sugayeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in loo diyaar garoobay dagaalka lagula jiro Al-shabaab-ka ku sugan Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u diyaargarowday dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.