Dowladda Soomaaliya oo Guulo Ka Sheegatay Duqeymo ay Ka Fuliyeen Gobalka Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guulo waaweyn ka sheegatay Duqaymo diyaaradeed oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka oo kaa shanaya ciidanka Howlagalada Africa ee loo yaqaanno AFRICOM.

War kasoo baxay dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidanka maraykanka ay duqayn diyaaradeed ka fuliyeen Xawaal Barbaar oo ka tirsan Gobolka Baay.

Waxaa ay sheegen in ay dileen Shan dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo uusan wax khasaare  ah kasoo gaarin ciidankii howlgalka fuliyay, waa sida ay sheegene.

Inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan shabaab waxaa duqeymo ka duwan ka fuliya ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada maraykanka ee magacooda loosoo gaabiyo Africom.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.