Dowladda Soomaaliya oo Guddi u Magacowday Dilkii Gaashaanle Maxaadey Suleymaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u magacowday israsaaseyntii xalay uu ku dhintay Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Maxaadey Suleymaan.

Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban Saraakiil ciidan,waxayna baaritaan ay ku sameyn doonaan dhacdadii xalay uu ku geeriyooday Taliyaha iyo Ilaaladiisa.

Dhanka kale Meydka Taliyaha iyo Ilaaladiisa ayaa maanta  lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho oo Taliska Ciidanka xoogga dalka ay u sameyn doonaan maamuus gaar ah.

Ciidamada Ilaaladda  Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho balse haatan loo bixiyay Maa’ida Hotel ayaa Xalay dilay Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan iyo ilaaladiisa xili uu gaari la socday.

Gaariga uu la socday taliyaha ayaa waxaa ka shakiyay Ilaaladda hoteelka,waxayna ku fureen taasi oo keentay dhimashadda Taliyaha iyo Ilaaladisia.

Gaariga uu saarnaa Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Baar shabeelle, waxaana wadadaas ay tahay wado hal jiho,taasi oo keentay in ciidamadda ay ka shakiyaan rasaasna ku furaan.

Ala ha u Naxariistee Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.