Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda u Fasaxday Lacagihii ka Xayirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul goboleedyadda iyo gobolka banaadir u fasaxday Lacagihii Deeqaha ee laga helay midowga Yurub.

Lacagta la fasaxay ayaa gaaraya lix milyan, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaaale Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagaha la fasaxay ay yihiin Qoondada Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min hal milyan oo dollar oo ah kabida miisaaniyadda

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabida ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaana laga dalbaday in lacagta halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.