Dowladda Oo Sheegtay In Howlgalo ay Ku Dileen Horjooge Ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere ee gobolka gedo

waxaana howlgaladaasi la sheegay in lagu bur buriyay saldhigyo dagaalamayaasha Alshabaab ku lahaayeen halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda.

warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in howlgalka  lagu dilay mid kamid ah hor joogayaasha sare sare oo ka tirsanaa Alshabaab kaas oo ciidanka dowladu ay soo bandhigeen meydkiisa.

Gaashaanle dhexe, Maxamed Dheer, oo ah taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo haleelay gaariga uu la socday oo ku sii jeeday deegaanada howlgalada ay ka socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladaan ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo sida ay sheegeen saraakiishu ay Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

sidooakle Waxaa la sheegay in wali ay socdaaan howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab kuwaasi  oo la sheegay in  ciidanka dowladdu ay  ku weerareen fadhiisamadooda ee gobolka Gedo.