Dowladda Kenya oo Shuruuda Adag Hordhigtay Madaxweynaha Jubaland!

Iyadoo madaxweynaha maamulka jubaland uu dhawan safar  aan  la shaacin uu ku tagay magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya  ayaa  waxaa lagu soo waramaya in dowlada kenya ay shuurudo hor dhigtay madaxweynha jubaland Axmed Maxamed islaam  Axmed Madoobe shuruudahaasi oo ku saabsan heshiiskii is afgarad  ahaa oo dhawaan dhexmaray  madaxda dowlada faderalka ka ah ee Somalia iyo madaxweynaha jubaland.

Dowlada kenya ayaa madaxweynaha maamulka jubaland  waxaa  la sheegay inay u sheegtay  in ciidamadeeda ilaaliya ay kala baxeyso deegaanada mamulka jubaland  hadii shuruudaheeda uusan qaadan islamarkaasna uu la heshiiyo dowlada faderalka Somalia.

Madaxweynaha jubaland oo ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada dhuuamareeb ayaa heshiis hordhac ah la gaaray madaxda dowlada fadaraalka Somalia waxaana arintaasi si aad ah uga carootay dowlada dalka keenya oo maamulkiisa  la sheego in xiriir dhaw ay  la leedahay.

Mid ka mid ah xubnaha mucaaradka madaxweynaha maamulka jubaland oo la hadlay simba ayaa sheegay in dowlada kenya ay doonayso in danaheeda ay ka hormariso danaha umada soomaaliyeed islamarkaasna madaxweynaha jubaland ay ku cadadinayso in uu qaato shuruuradaha ay ku xirtay hadii kale ay ugu hanjabtay in ciidamadeeda ay labaxayso kuwaasi oo si gaar ah u ilaliya madaxweynaha jubaland

Sidookale  masuulkaan ka tirsan xubnaha mucaaradkamadaxweyanaha  jubaland oo lagu magacaabo saciid nuur  ayaa   isagoo hadalkiisa sii wata  waxa uu sheegay   in madaxweyanaha jubaland  kenya ay wax ka weydiinayso wixii magaalada dhuusamareeb ku dhexmaray isaga iyo madaxda dowlada faderalaka Somalia.

Dhankale Saciid nuur ayaa tilmaamay in madaxweynaha somaliaya uu ku guuldareystay wax ka qabashada dhibaatooyinka ciidamada kenya ay ku hayaan dadka ku sugan xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo keenya

Waxa mudoyinkii dambe isa soo tarayeen  eedaymaha loojeedinayo dowlada dalka kenya oo ku aadan fara galin ay ku heyso qaar ka mid maamul goboleedyada dalka ka jira waxaana jirtay qaylo dhaan  arintaasi ka sameeyeen  siyaasiyiinta qaar ee dalka iyagaoona ku baaqayay in wax laga qabto hagardaamoyinka kenya ay umaleegayso Somalia.

Dowlada kenya ayaana galaan gal siyasaded oo dhinacya badan ah la sameeynaysa qaarka mid ah dowlad goboleedyada dalka taasi oo ay ku doonayso inay dowlada Somalia kaga adkaato muranka dhanka bada iyo xuduudka ee kala dhexeya Somalia.