Dooni Siday Qaxooti Yamaniyiin Ah Oo Soo Gaaray Xeebaha Puntland

wararka ka imaanaya gobolka bari ee deegaanada puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanatay dooni siday dad qaxooti ah ay soo gaartay xeebta magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka puntland.

dadkaani qaxootiga ah ayaa waxa la sheegay in ay kasoo carareen dagaalada ka soconaya dalka yamen iyagoona la sheegay in dadkaani ay ahaayeen kuwa ubadnaa qoysas yamaniyiin ah islamarkaasna waxa la sheegay in ay ku jireen dad soomaali ah kuwaasi oo qaxooti ahaan u tagay dalka yamen.

tirada dadka qaxootiga ah ee maanta soo gaaray magaalada boosaaso ayaa waxa la sheegay in lagu qiyaasay ilaa iyo 164 qoeys kuwaasi oo la sheegay doontu ay kasoo gaaday dalka yamen.

dadka qaxootiga ah ee soo gaaray magaalada boosaaso ee gobolka bari ayaa waxa lasoo sheegayaa in ay iskugu jiraan haween iyo caruur kuwaasi oo dalkooda colaad  darteed kaga soo cararay.

waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dadkaani qaxootiga ah ay dekada magaalada boosaaso ay siweyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland gaar ahaana masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha gudaha puntland.

mudooyinkii dambe waxa deegaanada puntland kusoo badanayay dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya gudaha dalka liibiya waxaana dooni maanta kusoo xiratay dekada magaalada boosaaso ay noqneysaa doonidii sadaxaan oo dad qaxooti ah yaman ka keenta  saacadihii lasoo dhaafay islamrkaasna soo gaarta magaalada boosaaso

waxaana xusid mudan in dadkaani qaxootiga yamaniyiinta ah ay tirada ku kordhinayaan qaxooti horay usoo gaaray deegaanada puntaland kuwaasi oo maamulka puntland uu usameeyay dib u dajin islamarkaasna la dajiyay magaalooyinka qardho iyo boosaaso oo  ka wada  tirsan gobolka  bari