spot_img

Diyaaradii ku dagan Weysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ku Dhacday deegaanka Carbiska

Diyaaradii ku dagan weysay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cade oo la sheegay in ay ku dhacday deeganka Carbiska Gaar ahaan meel la Yiraahdo bood-boodka

Dad ku sugan deeganka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa idaacada simba u sheegay in  deegankaas ay ku soo dhacday diyaarad nooca Rakaabka ah oo saacadihii lasoo dhaafay ku dagan weysay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Halka ay kusoo dhacday diyaarada ayaa haatan la sheegayaa in ay gaareen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya  iyo kuwa Maamulka deeganka  Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen 6-ruux  oo la sheegay in laga badbaadiyay markii ay ku dhacday deeganka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho

 

 

 

Related Post

Wararka