Dibad-baxayaal Isugu Soo Baxay Xarunta Xisbiga Waddani ee hargeysa

Wararka ka imaanaya Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa ku waramaya Dad dibad baxayaal ah iyo ciidamadda Somaliland  ay kuwada sugan yihiin xarunta Xisbiga Wadani.

Dadkaan Dibadbaxa dhigaya ayaa kasoo horjeeda qaabka Xukuumadda Somaliland ula dhaqantay madaxda Xisbiga, oo qaarkood xabsi la dhigay qaarna la jirdilay habeenkii xalay ahaa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa shalay taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, si loogu gudbiyo farriin muhiima oo Somaliland lagu badbaadinayo.

Taliyaha Cusub ee Ciidamadda Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa isla shalay sheegay in aan la aqbali doonin Banaanbaxyo laga dhigo magaaladda hargeysa,isla xalay waxaa xabsiga la dhigay Xubno ka tirsanaa Xisbiga Wadani.

Xubnaha xisbiga la dhigay waxaa kamid ah af-hayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac Batuun  iyo xoghayaha xisbigaasi  Khadar Xusseen Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.