spot_img

Dhacdo Naxdin Leh : Wiil Aabihiis Dhalay Ku Dilay Muqdisho

Dhacdo naxdinleh oo si aad ah looga argagaxay ayaa saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacday  gudaha Magaalada Magaalada ee Caasimada dalka

Wiil dhalinyaro ah ayaa waxa aabihiis ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Wada jir ee gobolka Banaadir

Muran xoogan oo soo kala dhexgalay ayaa la sheegay in uu sababay dilka marxuunka aabaha ahaa

Aabaha la dilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay cismaan Garboojo
Waxaana marxuunka da,adiisa lagu qiyaasay 60 sano

Wararka ayaa sheegaya in wiilka aa bihiis dilay oo ahaa 20 jir dilka kadibna uu goobta iskaga baxsaday

Dilka ayaa waxa la sheegay in uu udhacay wiilka ayaa Toorey ku dhuftay aabaha
Waxaana tooreydu ay ka haleeyshay wadnaha sidaas ayuuna u geeriyooday

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen marka uu falkaasi dhacay kadib ay isbitaalka ula carareen aabaha balse loo sheegay in uu dhintay markii la geeyay isbitaalka

Muddoyinkii dambe ayaa waxa dalka kusoo badanayay dilka waalidiinta iyo caruurtooda ay isku geystaan

Related Post

Wararka