Dhacdo Cajiib ah:-“Wiil Soomaali ah oo Iska Dhigay Gabar oo Lagu Xirey Turkiga”.

Wararka ka imaanaya dalka turky-ga ayaa ku waramaya, in ciidamadda Dalkaas ay qabteen wiil Soomaali ah oo iska dhigayay Gabar.

Wiilkan Soomaaliga ah oo la yiraahdo Ibraahin Bashiir ayaa la qabtay isagoo ku safraya dukumintii ay leedahay gabar Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeeysiiyay.

Ibrahim Bashiir waa 21 sano jir, wuxuu dagnaa Magaaladda Gaalkacyo qeybta Puntland, Wuxuuna kasoo jeedaa isla magalada Gaalkacyo.

Wuxuu Turkiga tagay 6 bilood kahor, isagoo asxaabtiisa ugu sheekeeyay in gabar Walaalo ay yihiin oo lagu magacaabo Sahro Bashiir oo ku nool dalka Ingiriiska.

Ibrahim Bashiir waxa gacanta ku dhigay isagoo raba inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Ankara Ciidamada indhaha gorgorka leh ee dalka Turkiga.

Sharciga immigration-ka ee dalka Turkiga ayaa dhigaya in falalka noocan ay yihiin dambi qaran. Waxana macquul ah in Ibrahim uu muteysto 6 sano oo xarig ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.