DFS oo Loogu Baaqay in Ciqaabta Laga Qaado Shacabka Muqdisho+Dhageyso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbday in si deg deg ah ay u qaado Ciqaabto ay ku heyso Shacabka Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax), oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo la hadlay idaacadda Simba ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay in ciqaabta lagu hayo shacabka Muqdisho laga qaado.

Waxa uu sheegay in dagaalyahanadda shabaab hadii lala dagaalayo loo baahan yahay in loogu tago goobaha ay joogaan, oo aysan Dowlada ganjeelo ku xiran wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la furi doono qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee xiran.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.