DFS oo Ka Hadashay Meydadka Shabaab ee Laga Aruuriyay Duleedka Marka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Howlgalo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Qoraal kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamadda 14-October ay xalay howlgal ka fuliyeen magaaladda banaankeeda,islamarkaana ay dileen 5-shabaab ahaa.

“Howl-gallo baaxad leh oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab,howlaglkaan oo Ciidanka xoogga fuliyeen Xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, iyagoo sidoo kale kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari”, ayaa lagu yiri warka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.