DEG DEG:-Darawal Bajaaj oo Lagu Dilay Muqdisho+Sawirro

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya darawal Mooto Bajaaj oo goordhaweyd lagu dilay Magaaladda Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Buundada Ansalooti Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir,waxaana geystay askari ka tirsan Ciidamadda Minishiibiyada ee Canshuuraha.

Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegay in askariga iyo darawalka ay murmeen sidaasna uu falka ku dhacay.

Askarigii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaa goobta laga qaaday meydka darawalka Mooto bajaajka.

Inta badan marka ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho waxaa dhaca dilal ay geystaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.