Deg Deg: C/raxman Ciro “Siilaanyo Maxkamad Hala Soo Taago Muuse Biixi Ha Is Casilo” (Dhegeyso)

Gudooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani C/raxman Maxamed Cabdillaahi cabdiraxmaan Ciro oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada hargeysa ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay wax u socdaan iyo xaalada siyaasadeed ee maamulka Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa eedeymo kulul hawada u mariyay madaxweyihii hore ee Soomaaliland Siilaanyo waxuuna sheegay inuu taariikh madow ka tagay Siilaanyo waxuuna dalbaday in maxkamd lasoo taago, maadama uu qiyaameeyay shacbiga iyo xukuumada Somaaliland,maadama dowladda dhaxe saxiix ay saxiixday uu sheegay iney soomaaliland  la gashay imaaraadka arintaasina ay dib ka cadeysay UAE.

Sido kale Gudooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani C/raxman Maxamed Cabdillaahi cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay madaxweynaha haatan talada haya ee Somaaliland inuu is casilo maadama xukuumada kulmiye ay ku dhaqaaqday qiyaanooyin qaran, sida uu sheegay C/raxmaan Ciro.

Halka Hoose Ka Dhegeyso Shirka Jaraaid ee C/raxman Ciro Oo Dhameystiran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.