Dagaal u Dhexeeya Laba Mallayshiyo Beeleed oo ka Socda Galgaduud

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Laba Beelood oo walaalo ah ayaa ka socda Degaanno hoohtaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka socda degaanka Mirxaley oo u dhexeeysa Caabud waaq iyo  Cadaado, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhimatay inta la xaqiijiyay seddex ruux iyadoo khasaaruhu intaas uu ka badan karo maddaama dagaalkii uu wali socdo.

Beelaha dagaalamaya ayaa isku haysta Dhul daaqsimeedyo, waxaana sidoo kale jira aanooyin u dhexeeya Beelaha, Malleeshiyaadka ayaa ah xoola dhaqato waxaana ay kasoo kala jeedaan degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Inta badan waxaa soo noq-noqda dagaal beeladyada  ku salaysan Qabaa’ilka, waxaana u=inta badan ka dhasha qasaare soo gaara mallayshiyaadka dagaalama iyo dadka danyarta ah ee lagu kor dagaalamo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.