Dagaal u Dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ka Dhacay Xaawa-Cabdi

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Calamada iyo Xaawa Cabdi ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar dhabbagal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in weerarka lagu beegsaday laba gaari Cabdi Bilayaal ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda.

Warbaahinta Shababa ayaa baahisay in weerarka lagu dilay afar askari,afar kalana lagu dhaawacay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.