Dagaal u Dhaxeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay tuulo ku dhow deegaanka Af barwaaqo oo dhacda bariga gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalmay ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawacmeen,sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa kasoo kala jeeda Maamulkadda Puntland iyo Galmudug,waxayna ku murasanaayeen Dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay oo muddo dheer lagu muransanaa,balse xalintiisa ay socotay.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa dagaalka ka dhacay Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.