Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda iyo Maleeshiyaad oo Ka Dhacay Diinsoor

Wararka naga soo gaaraya degmada diinsoor ee gobalka baay ayaa kusoo warramayan in maanta dagaal xoogan uu ku dhexmaray degmadaasi ciidamo katirsan maamulka koonfurgalbeed iyo sidoo kale maleeshiyo uu hogaaminayo gudoomiyihii hore ee degmada diinsoor ee gobalka baay ibraahim shigshigoow.

Dagaalkan ayaa yimid kagadaal markii ciidamadda millitariga maamulka koonfur galbeed ay weerar kuqaadeen saldhig ay ciidamada uu hogaamiyo gudoomiyihii hore ee degmada diinsoor ibraahim shigshigow,

Maxamed cumar teesoow oo kamid ah saraakiisha millitariga maamulka koonfurgalbeed Somalia oo lahadlay idaacadda simba ee muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degmada diinsoor ee gobalka baay islamarkaana dagaalka uu udhexmaray ciidamo katirsan maamulka koonfurgalbeed iyo sidoo kale  ciidamo taabacsan gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada diinsoor ibraahim shigshigow oo uu sheegay in xilka looga qaaday dikreeto kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha maamulka koonfur galbeed Somalia.

Waxa uu sheegay in Khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalka kadhacay degmada diinsoor sida uu xaqiijiyay sarkaalka lagu magacaabo maxamed cumar teesoow oo katirsan sarakiisha ciidamada maamulka koonfurgalbeed.

Waxaa hoosta ka xariiqay in dhankooda uu dhaawcac soo gaaray hal askari islamarkaana waxa uu sheegay in dhanka ciidamada gudoomiyihii hore ee degmada diinsoor ay ka geeriyoodeen sadex askari.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.