Dabley Hubeysan Oo Maanta Nin Ganacsade Ah Ku Dilay Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa nin maanta sida lasheegay lagu dilay magaalad gaalkacyo gaar ahaan xaafad lagu magacaabo horumar oo ka tirsan magaaladaasi galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Rag hubeysan ayaa lasoo sheegay in dilkan ay ugeysteen ninkan ganacsadaha ahaa waxaana lasheegayaa in ragii dilka geystay ay durbadiiba isaga baxsadeen goobtaasi ,waxaa wararka qaar ee hada kasoo baxaayo dilkaan ay sheegayaan in sababta loo dilay ninkan ay tahay sababo la xariira anooyiin qabiil oo mudoyinkanba ka taagneed deegaanada qaar ee kudhow dhow magaaladaasi gaalkacyo.

Ninka la dilay ayaa sida lasheegay waxaa uu caan ku ahaa oo lagu magaaci jiray bidaar oo sida lasheegay ah magaca ay dadka uyaqaaneen waxaana isla markaa waqtigii ladilaayay uu joogay halka loo yaqaano buulo bacleey oo katiran xaafada hurumar ee magaaladaasi gaalkacyo.

sidookale waxa la sheegay in ninka ladilay uu deegaan ahaan kasoo jeeday deegaanka towfiiq ee gobolkaasi mudug ,waxaa lasoo sheegayaa in ninka ladilay ee lagu magaacaabayay bidaar kaasi oo horey wiil uu dhalay dil ugu  geystay isla markaana uu dilay sida lasheegay nin kasoo jeeda koofurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi mudug ,waxaanawararku ay sheegayaan in ninkii uu horey udilay lagu magacaabi jiray tuurcad iyadoona  lasheegay in uu ahaa nin kasoo jeeday koofurt gaalkacyo waxaana hada maanta maleeshiyadii horey sida lasheegay laga dilay tuurcad ay si laxariirta aargoosi ay udileen ninkaan oo sida lla tilmaamay xiliga ladilaayay kusugnaa guri uu  ka daganaa magaaladasi gaalkacyo.

Magaalada gaalkacyo oo iyada loo kala qeybiyo labo qeyb oo kala ah koonfurta iyo waqooyigaba gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaar labada meeleshiyo ee kala dagta labadaaasi dhinac ay dhex martaa dirir colaadeed walow ay xusid mudantahay in marar badan ay maamulada putland iyo gal mudug ay labadaasi dhinac usameeyeen heshiisyo nabadeed oo lagu dajinayo xaalada magaaladaasi gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi mudug ee bertamaha somalia.