spot_img

Dab Khasaaro Dhaliyay Oo Ka kacay Magaalada Garoowe

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab qasaaro dhaliyay oo xalay ka kacay xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland

Dabka ayaa waxaa lasoo sheegaya in uu ka kacay xaafado dad barakacayaal ah dagnaayeen oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Garoowe

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabku uu ahaa mid xoogan oo isku fidiyay Guryo badan balse markii dambe lagu guuleystay in la damiyo

Dabka ayaa si gaar ah uga kacay xaafadaha kuyaal kaamka Washington ee dhaca Bariga Magaalada Garoowe

Qasaaraha ka dhashay dabkaan ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay mid hantiyadeed iyadoona dabku uu qabsaday guryo badan iyo sandaqado islamarkaasna ay basbeeleen oo dhamaantood ay gubteen

Waxa qasaaro nafeed ah lama soo sheegin Sidookalena lama sheegin ilaa iyo hada tirada guryaha rasmiga ah uu ku gubtay dabkani

Gadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku guulaystay in ay baqtiijiyaan ama damiyaan dabkaan oo ilaa iyo hada aan la xaqiijin waxa uu ka dhashay

Related Post

Wararka