Dab Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kacay Warshad Kutaal Magaalada Baladweyne

wararka naga soo gaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dab qasaare geeystay uu xalay ka kacay warshad jooradiyada sameeysa oo ku taal guadaha magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Dabkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid ka dhashay koronta ku jirtay xurnta warshada jooradiayada waxaana la timaamay in dabku  uu ku bilowday qeybo ka ka mid ah warshada markii dambena uu ku faafay qeybaha ay ka koobantahay warshadu.

wararka ayaa sheegaya in dabkaani uu muddo saacado ah uu qaatay islamrkaasna dadka deegaanka iyo maamulka magaalada baladweyne ay iska kaashanayeen daminta iyagoo adeegsanaya cari iyo biyo.

dadka deegaanka ayaana sheegay in dadaal dheer oo ay iyaga iyo maamulka magaaladu galiyeen ay ku guuleeysteen in dabkaasi ay damiyaan

waxaana sababta dabka horay looga damin wayay ay ddaku ku sheegeen in dab damis aysan magaalada baldweyne laheyn taasina ay keentay in dabka in la damiyo ay saacdo qaadato.

dabka ayaa waxa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaare badan oo hantiyadeed balse lama soo warin wax qasaare nafeed ah oo ka dhsahy dabkaasi

waxaana la sheegay in gabi ahaaba ay ay gubatay agab farabadan oo warshada lagu sameeyo joodariyada islamrkaasna dhaxyaalay warshada ay basbeeleen ama ay gubteen

maamulka magaalada baldweyne masuuliyiin ka tirsan ayaana warbaahinta u xaqiijayay in dabkii xalay ka kacay warshad kutaal magaalada baladweyne aysan waqaasro nafeed ah geeysan isagoo maamulku uu xusay in cilada ugu weyn ee haysata hada ay tahay dab damis la,aan iyadana ay hada kala hadlayaan ganacsatada magaalada baladweyne sii adeeg dabdmis loo heli lahaa .