Cusmaan Nuur:-“Maamulka Jubbaland Kama Taliyo Gedo, DFS ayaa Maamusha”,+Dhageyso

Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisado siyaasadeed taas oo u dhaxeysa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda itoobiya iyo maamulka Jubbaland,iyo Ciidmadda kenya oo dhinac.

Ciidamada kenya ayaa maalmihii dambe waxa ay wadeyn  dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaana asbuucyo ka hor madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan loo diidey inuu galo degmooyin kamid ah gobolkaasi.

Warqad shaley kasoo baxdey Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad ayaa xilkii looga qaadey qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka gedo sida gudomiyaasha luuq iyo  baardheere iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Gudomiye ku-xigeenka gobolka gedo Cusmaan Nuur Xaaji oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ka horyimid warqadda kasoo baxdey Jubbaland.

Waxa uu sheegay in jubbaland,aysan xilka ka qaadi karin islamar ahaantaana aanba la aqoonsaneyn maamulkooda waxa uu tilmaamey in ciidmadda jubaland aysan soo galikarin degmooyinka gobolka gedo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ceeb ay tahay in jubaland oo aan heysan gobokkaasi ay yiraahdaan xilkii ayaan ka qaadnay gudomiyaashaasi  isagoo shaaciyey in deegaanada gobolka gedo ay yihiin xor aysana la mid aheyn magaaladda kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.