Cumar Filish oo u magacaabay Guddoomiyaal Cusub Dagmooyinka Waaberi iyo Shangaani.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo u magacaabay  Guddoomiyaal Cusub Dagmooyinka Waaberi iyo Shangaani.

Wareegto kasoo baxday Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa lagu magacaabay guddoomiyaal cusub oo loomagacaabay degmooyinka Waaberi  iyo Shangaani.

Aweys Camuudi ayaa loo magacaabay Degmada Shangaani, waxaana uu bedalayaa gudoomiyihii ka horreeyay Alle ha naxariistee Marxuumad Sahra Markeyzi oo  ka mid ahayd Mas’uuliyiintii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay 24-kii  July-2019 Xarunta maamulka  Gobelka Banaadir.

Sidoo kale  Cabdicasiis Cisman Jamac ayaa loo magacaabay Degmada Waaberi , waxaana horay degmadaas guddoomiye uga ahaa  mahad Cilmi oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay 24-kii  July-2019 Xarunta maamulka  Gobelka Banaadir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.