Cumar Filish oo Digniin u Direy Dad Doonaya Qalqal Galinta Amniga Degmooyinka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay wada tashiga aayaha Degmada karaan sida Amniga iyo arrimaha Bulshada.

Cumar Filish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in amniga degmadda Kaaraan uu wanaagsan yahay balse ay jiraan shaqsiyaad dano gaar ah wata oo doonaya in ay qalqal galiyaan amniga Degmadaas.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay si loogu gudbo caqabadaha jira loo baahan yahay in si wadajir ah ay u wada shaqeeyaan Laamaha amniga iyo shacabka Degmadda.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa imaanaya xili Degmadda Kaaraan mudooyinkii dambe ay ka dhaceyeen falal amniga lidi ku ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.